Wiil lagu dilay Jowhar oo Meydkiisa lagu wareejiyay Magaalada oo dhan

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellaha hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Askari ka tirsan Ciidanka Dowlada uu Maanta ku Dilay Wiil Dhalinyaro ah oo ka mid ahaa Dadka Magaalaada.

Askariga ayaa markii hore lagu soo amray in uu so xiro Marxuumka uu dilay kadib madax adeeg uu sameeyay wiilka dhalinyarada ah ayuu Askariga la dhacay Rasaas isagoona goobta uu ku geeriyooday.

Intaas ka dib ayaa dad ka Careysan Dilka Wiilka Dhalinyarada ah waxaa ay Banaanbax ka dhigeen Magaalada Jowhar,iyagoo Meydka Wiilkii la dilay wata islamarkaana ku soo Wareejiyay Magaalada oo dhan.

Boqolaal Dad ah oo Careysan ayaa Meydka Wiilka waxaa ay hor dhigeen Saldhiga Degmada Jowhar,iyagoo Dalbanaya in Gacanta lagu soo dhigo Askarigii wax dilay islamarkaana sharciga la horkeeno si isna loo dilo.


Shabakada Xoghoose.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail:- Xoghoose@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)