Diyaarado Dagaal oo aan Heybtooda la aqoon ayaa maanta duqeymo xoogan waxa ay ka geysteen deegaanka Kedis ee dhaca Duleedka Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo. Deegaanka la duqeeyay oo qiyaastii 25 km u jira Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo aya waxaa maamul Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab. Ma cadda Khasaaraha ka dhashay Duqeymahaasi Diyaaradeed ee maanta ka dhacay deegaanka Kedis ee duleedka Degmada Garbahaareey. Mana jirto cid sheegatay Masuuliyadda Duqeymahaasi iyo wax war ah oo ay ka soo saareen Al Shabaab oo deegaanka la duqeeyay ka arrimiya.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qaaday talaabo weyn oo ka farxisay dhalinyarada magaaladda Muqdisho ee casimadda dalka.

Kulan aan caadi aheyn oo maanta dhex maray Duqa Muqdisho iyo hogaanka ururada dhalinyarada ee degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa laga soo saaray qodobo xasaasi ah.

Arimaha ugu waa weyn ee kulankaas kasoo baxay, waxaa kamid ah in xiligan waxii ka dambeeya mushaar loo qorayo hogaanka ururada dhalinyarada ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dhalinyarada ay yihiin laf dhabarta bulshada isla markaana ay ka taageeri doonaan sidii ay saameyn ugu dhex yeelan lahaayeen arimaha hormarinta Muqdisho.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xili ay nagu soo aadan tahay 15-ka May oo ah maalinta loo asteeyay dhalinyarada aduunka.


Shabakada Xoghoose.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail:- Xoghoose@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)