Diyaarado dagaal oo haatan duqeynaya gobolka Gedo & Xog hordhac ah oo laga helayo

Diyaarado Dagaal oo aan Heybtooda la aqoon ayaa maanta duqeymo xoogan waxa ay ka geysteen deegaanka Kedis ee dhaca Duleedka Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo.

Deegaanka la duqeeyay oo qiyaastii 25 km u jira  Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo aya waxaa maamul Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab.

Ma cadda Khasaaraha ka dhashay Duqeymahaasi Diyaaradeed ee maanta ka dhacay deegaanka Kedis ee duleedka Degmada Garbahaareey.

Mana jirto cid sheegatay Masuuliyadda Duqeymahaasi iyo wax war ah oo ay ka soo saareen Al Shabaab oo deegaanka la duqeeyay ka arrimiya.


Shabakada Xoghoose.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail:- Xoghoose@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)