Shil khasaaro naxdin leh sababay oo ka dhacay Duleedka Magaalada…

Faah faahino ayaa ka soo baxay Shil gaari oo naxdin leh oo maanta ka dhacay Duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Shilka ayaa yimid ka dib markii ay isku dhaceen Labo gaari oo mid uu ahaa gaari weyn halka midka kale uu ahaa gaari yar oo ay saarnaayeen dad rakaab ah.

Inta la xaqiijiyay ilaa iyo iminka waxaa ku geeriyootay hal ruux oo dumar ah waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 11 kale oo dhamaantood ahaa dadkii saarnaa gaariga yar.

Shilalka inta badan ka dhacay deegaanada dalka waxaa loo sababeeyaa aqoon xumo iyo koontarool la’aan heysata Darawalada gaadiidka ka xeeya.


Shabakada Xoghoose.com Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay

Nagala Xiriir E-mail:- Xoghoose@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)